Somali - Soomaali
Shaqooyin la Hubo, Lacag fiican: Isbedelada shuruucda goobaha shaqada ee Australia
Fair Work Act ( Xeerka Shaqada oo Cadaalada ah) waxbaa laga bedelay si loogu daro shuruucda goobta shaqada oo fara badan cusubna.
Waxaan ku haynaa macluumaad intaas ka sii badan Secure Jobs, Better Pay: Changes to Australian workplace laws ( Shaqooyin la Hubo, Lacag fiican: Isbedelada shuruucda goobaha shaqada ee Australia). Ka dooro luuqadaada tusaha bogga xaggiisa kore ku yaal si loo turjumo macluumaadka.
Dhammaan shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin 10 maalmood oo lacag la siinayo ahna fasaxa qalalaasaha guriga iyo qoyska, kuwaas oo ay ku jiraan shaqaalaha mar-marka loo yeero iyo kuwa wakhtiga dhiman.
Fasaxa qalalaasaha guriga iyo qoyska ee lacagta la siinayo waa xuquuq ah fasaxa ugu yar ee cusub, sida fasax sannadeedka, ka jirada iyo fasaxa xannaaneeyaha.
Fasaxu waxaa la helayaa laga bilaabo:
- 1 Febaraayo 2023 – ee shaqaalaha loo shaqeeyayaasha ganacsiga aan yareyn
- 1 Ogoosto 2023 – shaqaalaha small business employers.
Waxaan dhakhso uga heli doonaa macluumaad intaas ka sii badan website keena.
Ka ogow wax badan oo dheeraad ah New paid family and domestic violence leave. Ka dooro luuqadaada tusaha bogga korkiisa ku yaal si loo turjumo.
Macluumaadka boggan ku yaal waxay kaa caawin karaan inaad fahamto xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga xagga shaqada. Macluumaadkan waxay khuseeyaan badiba dadka shaqeeya, ama loo shaqeeyo halkan Australia.
Haddii aad u baahan tahay turjumaan:
- ka wac Adeegga Fasiraadda iyo Turjumaanka Afka ah (TIS) taleefanka 131 450 oo ah qiimaha wicitaanka degaanka
- U sheeg xiriiriyaha TIS luqadda aad u baahan tahay
- Weydii xiriiriyaha TIS inuu ka waco Fair Work Infoline taleefanka 13 13 94.
Riix xiriirka hoose si aad u hesho macluumaadka aad doonayso.
- Soomaali Bayaanka Macluumaadka Shaqo Cadaalad ah (Fair Work Information Statement)
- Ingiriis Bayaanka Macluumaadka Shaqo Cadaalad ah (Fair Work Information Statement)
- Soomaali Bayaanka Macluumaadka Shaqada Caadiga ah (Casual Employment Information Statement)
- Ingiriis Bayaanka Macluumaadka Shaqaalaha Caadiga ah.